***
In aad heshid talaal wax tar leh waa ahmiyada noogu saraysa. Warshaddaha wax soo saarka ayaa waxaa waajib ku ah in ay soo bandhigaan xogta barashada taas oo tusaysa in talaalku yahay mid amaan ah iyo mid shaqaynaya kahor inta aan loo fasixin dadweynaha guud.
Xogtaan ayaa waxaa si taxadar leh u hubiyey dhowr kooxood oo leh cilmi lana xiriira Maamulka Cuntada iyo Daawooyinka (FDA) iyo Goobaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurada ee (CDC).
Gudigga Talobixinta tababarrada Talaalka (ACIP) ee CDC iyo kooxo kale ayaa fiiriya diyaarinta warbixinta ku saabsan talaalka, waxayna ka warbixiyaan go’aamada ku saabsan dhibaatooyinka iyo faa’iidooyinka hadii la isticmaalo.
MDH waxay go’aansatay meelmarinta diyaarinta talaalada si aan ugu kalsoonaanno amaankiisa iyo waxtarkiisa.
Waxyaabaha shuruudaha u ah talaalka COVID-19 waxay la mid yihiin talaada kale oo idil. Shirkaddaha samaynaya talaaladaas waa in ay la wadaagaan warbixinta hay’ado khaas ah sida FDA iyo CDC taasi waxa ay tusaysaa sida barashada talaalka loo qaabeeyey, sidee loo sameeyey, sidee bay ku heleen xoggahooda, maxayse ahaayeen natiijooyinkii ka soo baxay.
Masuuliyiinta Caafimaadka, FDA, shirkaddaha talaalada, iyo kuwo kale ayaa go’aansaday in ay soo bandhigaan talaalada tusayya in ay amaan yihiin. FDA-du waxay tixraac siisay shirkaddaha soo saara talaalada oo ku saabsan warbixinta loo baahan yahay in ay lagu cadeeyo in talaalku yahay amaan iyo in talaalku uu shaqaynayo.
Maxaynu Ugu Baahan nahay Talaal:
In lagaa talaalo COVID-19 waa mid ka mid ah talaabooyinka ugu muhiimsan ee aad qaadi kartid si aad uga hortagtid nafsaddaada iyo jaaliyaddaada. Dad badan oo qaata talaalka kahortagga COVID-19, Waxa ay wanaag u tahay qof kasta.
Dad badan oo la talaalay macnaheedu waxaa weeye hoos u dhiggista cudurka ee jaaliyaddaha. Talaalistu waxay sidoo kale caawinaysaa kahortagga fiditaanka qaybaha cusub ee ka duwan COVID-19.
Waxaynu bilaabi doonaa in aynu dib ugu noqono firfircoonida aynu jecelnahay, in aan furno ganacsiyada iyo iskuuladda, iyo in aan dib u miisaano cabiraadaha dhowrista caafimaada dadweynaha, sida gafuur-xirka, iyo ilaalinta isdhexgalka dadka. Talaalistu waa sida anyu u soo afjari doono xanuunka safmarka ah.
Fariintaan waxaa idiin soo gudbiyey waaxdda Caafimaadka ee Minnesota.