[SOMALI] La gaar dhalintaada oo haleeshii helitaanka Talaaladii uu lumiyey xilligii  caabuqa COVID-19 (Get Your Teen Back on Track with Vaccines Missed During the COVID-19 Pandemic)

[SOMALI] La gaar dhalintaada oo haleeshii helitaanka Talaaladii uu lumiyey xilligii caabuqa COVID-19 (Get Your Teen Back on Track with Vaccines Missed During the COVID-19 Pandemic)

***
Hada waa wakhtiga u fiican oo dhalintaada loo laqaban karo balan si ay ula jaanqaadaan dhamaytirka talaalada. Waa suurtogal in ay gafeen talaalada qaarkood xilligii caabuqa COVID-19. Mar kasta oo ilmuhu weynaadaan, waxay qaadi karaan cudurro khatar ah waxayna dhumin karaan kahortagyadii talaalladii ay qaateen xilligii ay yaraayeen. Tani waa sababta ay muhiim aad ah u tahay in talogelyadii dhilintu oo ahayd in ay helaan talaallada.

Waxaa jira sadex talaal oo talo loo siiyey 11- iyo 12- sano-jirada: teetanada, gawracatada, xiiqdheerta (Tdap), xanuun lagu kala qaado galmada (HPV), iyo talaalka madax-wareenka (Meninjaadhis). Talaalka Tdap wuxuu ka hortagaa xiiqdheerta (qufaca laabta oo qaylo dheer), talaalka human papillomavirus (HPV) wuxu hortag ka sameeyaa lix nooc oo kansar ah, iyo talaalka meningococcal (meninjaadhiska) oo ka hortaga meninjaadhiska (madax-wareenka). Lix-iyo-toban jiradu waxa ay u baahan yihiin kordhinta qiyaaska talaalka Meningococcal (MenACWY) waxayna kale oo u baahan karaan nooc kale oo ah talaalka meningococcal (MenB).

Dhalinta 12ka sano iyo wixii ka weyn sidoo kale waa in ay helaan talaalka COVID-19 ee loo ogolaaday kooxda da’dooda ah. Waa u muhiim in ay dhalintu istalaalaan inta aysan dib ugu noqon iskuulka, ciyaaraha, ama howgalada kale ee dayrtaan si looga difaaco iyaga iyo dadka ku hareeraysan kuwaas oo aan heli karin istalaallista. Talaalka COVID-19 oo la qaato waxay tahay in aysan caruurtu ka baaqan iskuulka, ciyaaraha, ama howlgallada kale ee ku qotoma xaalada karantiilka iyo in aysan noqon kuwo si joogto ah loo tijaabiyo. Dhalintu way heli karaan talaalada oo dhan ee ay u baahan yihiin isla maalinta gudaheeda.

Talaalladaan waa kuwo dhamaan la daraaseeyey oo ammaan ah shaqaynayana kana hortegaya cudurada aadka u daran. Waxay keeni karaan waxyeelo khafiif ah, sida kaarista gacanta meeshii mudista lagu sameeyey. Hadii aad qabtid su’aalo ama waxyaalo khuseeya kuna saabsan talaallada lagugu talosiiyey ee cunuggaaga, lahadal gargaarsiiyahooda caafimaadka (Takhtarkooda).

Booqo health.state.mn.us/vaxontrack si aad ugu heshid buugga talaalkaagga ama cunuggaaga iyo meesha aad ka helaysid istalaalista, xitaa hadii uusan dhalaankaagu kaar caafimaad lahayn ama aysan hada lahay takhtar caafimaad.

Su’aalo badan oo ku saabsan talaallada? Waad ka wici kartaa Hay’adda Caafimaadka ee Minnesota (Minnesota Deapartment Of Health) 651-2015414

Join KFAI!

Your support makes all the difference.

DONATE